Soomaaliye sidee u dhisan karta dawlad awood leh
Soomaali hogaamiya nooce ah ayey u bahan tahay? Soomaliya waxay soo martay bur bur saamayn weeyn ku yeeshay quluubta dadka soomaaliyed bur buriyey kalsoonidi iyo is aminidii umada , Taaso dhalisay in qofkii xil qabtaba laga aminaayo inuu dariiqi kuwii hore maraya kadibna wax walba ay jug jug meesha joog ku dhamaday. Waxa hortagan in soomalidu dhistaan dawlad awood leh oo umadoo dhan kalsooni ka haystaa waa hogaanka hadba talada qabta oo inta uu wareerki wadanka dhex galo isku mashquulay sida uu awood u yeelan laha una soo noqon laha doorashada danbe. Waxa halkaas ka cad in dad iyo bulsho u bahan In laga dhaliyo xasilooni siyaasadeed loona qabto wada tashi iyo dastuur lagu saxiixo madal lo dhanyahay oo lagu wada qanacsanyahay lana wada saxiixay si meesha ay uga baxdo istuhun iyo kala shaki. Waxay soomaali ubahan tahay hogaamiya yoolkiisu yahay in uu salka udhigo asaaska dawladnimo waarta inta noloshu jirto, hogaamiye suurta gesha qodobadan soo socda: 1: heshiis dhamaysti...