Posts

Khibrada aad shaqo ka hesha waxbadan ayey gadal ka tartaa

 Mudadadi u dhexeysay 2008 - 2013, ayaan ka shaqeynayey anigoo islamarkas dhinaca kale kawaday jamacada heerka kowaad , runtii khibrad iyo aqoon an jamacada lagu dhigin ayaan ka faa iiday , waxan malin walba oo malamaha shaqada ka mid ah ii kor dhaysay ama aan wax cusub ka baranayey: 1: habla dhaqanka dadka madama ay malinkasta qof  kugu cusub ay hawli idin dhex marayso 2: waxan si dadban u bartay kasbashada macamisha , siyasada tar tartanka, iyo maamulista haw malmeedka shaqadu ay u bahantahay 3: waxan wax ka fahmay hogaaminta iyo la dhaqanka dadka goobta shaqada. mudadaas 5 sano ahayd khibrada aan ka helay shaqadas halkaan kuma soo koobi karo , balse muda ka dib oo aan waxbarasho u aaday meel dalka ka baxsan ayaan dareemay in aan khibrad ka dhaxlay shaqadaas. marka dhalinta maanta ku jirta heerka waxbarashada waxan ku dhiiri gelin inay shaqo raadiyaan noocay doonta ha ahaate oo aysan isku qafilin xafiis iyo shaqo fudud, balse ay isku dayaan inay meel uun u shaqo tagaan , han...

Maxa soomaali ka hortagan inay horumar ku talaabsato

Maxa soomaali ka hortagan inay horumar ku talaabsato Somalidu dhaqan ahaan waxay u badnayeen dad reer guura ah oo ay dal ama dhul u tahay mesha ay markaas baad ka helayaan , waxay ahayeen dad dhaqan iyo xeerar ay isku maamulaan laha oo wax kasta oo ka dhex dhaca xalin jirey iyadoon dadyow dibadeed loo raadin, waxay lahayeen garaad iyo aqoon ay awoowayaashood kasoo gareen oo ay ku maarayn jireen xaladaha laso gudboonada, hadii aad afka iyo tagtada somalida aad si qoto dheer u baarto waxa ka dhex helaysa cilmiyo luqadaha qalaad jamacadaha looga  dhigto maanta , balse aynan ku bararugsanayn waxan oran karna awoowayasheen waxa ka dhex buuxay  faylasuufyo aan tagtada lagu xusin . Waa maxay waxyalaha kala hormariya bulshooyinka aduunka: 1: dhaqanka, luqada  iyo degaanku maka mid noqon karaan kuwo horumar ama dib u dhac  u keena bulshada? 2: khayraadka dhulka ku dugan iyo kuwa dul socda miya sabab u noqon karaan  hurumarka? 3: cimilada iyo juqaarifi ahan meesh...

Soomaali rajadu xagee uga imaan

Umadaha horumaray waxa asal u ah hurmarka ay gareen malista maanka ama u fiirsiga xeelka dheer oo ay u fiirsadeen arimaha noloshooda ku geedaman waxay maskaxda u tuujiyeen in ay dhibta soo foodsaartay ka dhex raadiyaan fursad ay horumar ku garan islamarkan dhibtadas ay cashar iyo tusaale u noqoto si aan dib loogu noqon. 1:Maxa hortagan in aan sida umadaha u fekerno oo xalka aynu ka dhex raadino dhibta inaso food saartay ? 2:Bar baarinta iyo kobcinta  garaadka jiilalka soo kacaya ma helaan hab nololeed wacyigooda kor u qaadi kara gaarsiinkara in ay awood u yeeshan u fiirsi xeel dheer oo ay kaga fal celiyaan waxa ku hareersan sadaalna uga bixin karan mustaqbalka? 3: Waa qofma cida soomaaliya gaarsiinkarta umadaha horumaray: ma qof aan weli dhalan ba , ma nidaamka waxbrashada oo wax laga bedelo ama la tayeeyaa, mise waa waxyaalo kale? 4: mise awooda kale oo inaka awood batay aya inaka hortagan inaynu horu socod yeelano ? Weydiimahas iyo qaar kale oo badan waxay kugu soo dhacay m...

Soomaaliye sidee u dhisan karta dawlad awood leh

Soomaali hogaamiya nooce ah ayey u bahan tahay? Soomaliya waxay soo martay bur bur saamayn weeyn  ku yeeshay quluubta dadka soomaaliyed bur buriyey kalsoonidi iyo is aminidii umada , Taaso dhalisay in qofkii xil qabtaba laga aminaayo inuu dariiqi kuwii hore maraya kadibna wax walba ay jug jug meesha joog ku dhamaday. Waxa hortagan in soomalidu dhistaan dawlad awood leh oo umadoo dhan kalsooni ka haystaa waa hogaanka hadba talada qabta oo inta uu wareerki wadanka dhex galo isku mashquulay sida uu awood u yeelan laha una soo noqon laha doorashada danbe. Waxa halkaas ka cad in dad iyo bulsho u bahan In laga dhaliyo xasilooni siyaasadeed loona qabto wada tashi iyo dastuur lagu saxiixo madal lo dhanyahay oo lagu wada qanacsanyahay lana wada saxiixay si meesha ay uga baxdo istuhun iyo kala shaki. Waxay soomaali ubahan tahay hogaamiya yoolkiisu yahay in uu salka udhigo asaaska dawladnimo waarta inta noloshu jirto, hogaamiye suurta gesha qodobadan soo socda: 1: heshiis dhamaysti...

5 waxyaabood oo qofku jeclaysto inu qaban laha marku yara

Bronnie ware oo  ah gabar nersin ah una dhalatay wadanka austarelia  ayaa waxay qortay dhigane aad u soo jiitay quluubta dad badan , bugas ay ciwaan uga dhigtay 5 wax oo qofku aad uga shaleeyo markii weynaado am gaboobo islmarkaasna qofku jeclaysto hadii u dib dhalinyaro ugu noqon lah inu qaban lahaa 1: waxan rajayn laha inan lahaan laha geesinimo si aan ugu noolado xaqiiqda naftaydu tahay oo anan u dhaqmin ama u nolaan sida dadka kale iga filayan ama ay rabaan 2: waxan rajayn laha in aan waqti fiican u sameeyo qoyskeyga,saaxiibaday, halka an waqti badan ku lumiyey hawl malmeedka nolosha 3: waxan rajayn laha inan lahaan laha geesinimo aan an ku cabiro fekerkayga si haboon ugu soo gudbiyo anigoon xaqiiqda u daboolayn si aan dadka kale u raali geliyo 4: waxan rajayn laha inan joogteyo had iyo jeer wada hadalna lasameeyo saxiibadaydi qadiimiga aha si aan waayihi quruxda badna ee caruurnimad aan isaga waraysano, laalkiin nasiib daro waxa dhacday inan ka mashquulay , oo an si ...

Taalooyinka iyo godadka dhulka ku aasmay

Taalooyinka iyo godadka dhulka ku aasmay  Talooyinka waa dhagax latuuray ama la is dulsaaray oo noqday dhisma weeyn oo sidii buur yar ah,hadad martid dhulka baadiyaha ah inta badan waad ku arkaysaa dhagaax dusha la iska saaray, laakiin marna ma iswaydiisay 1: ujeedada loo samayey dhagaxan tuuran? 2: dadka sameeyey maxay ahaayeen? Soomalida intooda badan waxay aminsanyihiin in dhagaxan dahab iyo waxyaabo qaaliya oo dadki hore ay ku qarsadeen in ay ku hoosjiraan, kadibna qodaal ayey ku bilaaban intabadan waxba wey kawayaan. Balse waxaysan ogayn in talooyinku yihiin haraadigii dadki hore ka tageen waxayna u bahantahay dad aqoon gaara u leh marka la qodaayo waa in si tartiiba loo qoda qoraal iyo sawirna laga qaada, laakiin hadii faash la iskala galo wixii calamad ama haraa ahaba way bur burayaan. taaloyinku waa calamado ay dadki hore ka tageen waxayna dadkii hore taaloyonkaas u dhiseen u jeedooyin kala duwan oo ay ka mid tahay 1: dadki hore madaama aysan far qoraal lahayn ...

BURAHA TARRIKHIGA AH EE KUYAAL GOBOLKA SANAGA

XASAWYADA BUURAHA SANAAG. Waxa ku yaal inta u dhexeysa ceelaayo iyo laasqoray buuro loo yaqaan xasawyada , waxay dhacan xasawyadan buuralayda calmadow ee gobolka sanag qaybteeda loo yaqaan guban ee ku sii jeeda xeebta bada cas waa meel aad u dhir badan cagaar ah buuro yar yar leh iyo biyo badan oo dur dur ah. Waxa layaab badan xasawyada ka dhisan burahas oo qofkii aragti dheer ama u fiirsi sare leh inuu wax badan ka dhex arkaayo , xasawuyadu waa 40 xassow waxa ka mid ah 1: Inafarow,  2: Bogox  3: Bidaar : 4 Nirgalaaye , iyo qaarkalo badan  waxay dhamantood ka samaysanyihiin dhagax la yiraahdo (granite)  oo midab xamuurad ah leh oo ay kaga duwanyihiin dhulka ay ku yaalin. Marka la isbar bardhigo xasawyadas iyo Ahraamta masaarida waxad moodaysa in faraciintu ay ka qadatay naqshada ama qaabdhismeedka xasawyada. Tixraac: dhiganaha: habka sooyaalkii taarikheed ee soomaliya . Qoraa: dr mohamed ibraahim awale ( charles). Aragti ahaan  waxbadan ayan shekooyin...

SOOMALIDU MAXAY KA HUMAAGSAN KARTA TAGTADOODI HORE

Hadii loo dhabo gale hab nololeedki soomaalida amintii ka horeysay dawladnimada ama intaan gumaystuhu imaan. Soomalidu waxay ahayd dad u badan reer guura xoola raacato ah dhaqankooda inta badan waxan ka baari karna xoola dhaqatada wey jiraann beeralay iyo kaluumaysato magaloyinka xeebaha deganaa Soomalida xoola dhaqatada ah waxay ahayeen degsiimoyin ama qoysas isku qabiil ah oo dhib iyo dheef wadaga waxayna u dhisnayeen sidii dawlad yar waxay lahayeen Hogaan, oday dhaqameed iyo jamaamiir u heegan ilaa linta Danta  reerkooda,. Islamarkaana waxay u arkayeen qabiilada kale inan waxba isugu jirin si sahlan dagal ku dhex mari karo. Waxa xusid mudan in hab nololeedka soomalidi hore ay ku dhamayd tiirarka dawladi qabato Watana in qabiilada soomaaliyeed waqti adag iyo Colaado badan aya kaga soo gudbeen .  1:Hadaba waxaa iswaydiin mudan hadi reer walba nidamkaas adag laha oo aad mooda dawlad yar una arkayeen in aysan ciid aan odayga reerkooda ahayn aysan  wax ka dhegaysanay...

WORLD ENVIRONMENTAL DAY

WorldEnvironmentDay 5 June  Did you know that 9 out of 10 people world wide are  afffected serios air pollutants in indusrial countries , and plastic pollution has catastrophic in land ocean, river , our environmental is destructive what make human civilization, this action can cause end of human life steb by steb. We need collective action to beat  environmental pollution and stop this silent killer ficilada aadamuhu samaynaya malinkasta oo ay ugu yartahay cagada biyaha oo dhulka ama badaha  lagu turaayo,  warshadaha hawada qiiqa ku sii daynaya iyo dhaman wixi wasakh iyo qashin ah oo an si wanagsan loo asturin waxay samayn wayn ku yeelanaysaa dadka iyo xayawankaba. waxan bilo ka hor aaday biyo kulule oo  bosaso dhanka bari ka xiga waxan aad ulayabay qashinka tuuran inta u dhexeysa magalada iyo qabuuraha , runtii qashinkaas hadii roob qaado waxa uu geynaya magalada ama waxa u ku shubaya bada oo dhibaato wayn u geysan kara laakiin kuma baraarugsana ma...

Ramadan kariim

waxan umada islaamka u rajayn in ilaahay ka aqbalo soonka imta hartayna cafimaad iyo cibaado suuban noogu dhameeyo