BURAHA TARRIKHIGA AH EE KUYAAL GOBOLKA SANAGA

XASAWYADA BUURAHA SANAAG.

Waxa ku yaal inta u dhexeysa ceelaayo iyo laasqoray buuro loo yaqaan xasawyada , waxay dhacan xasawyadan buuralayda calmadow ee gobolka sanag qaybteeda loo yaqaan guban ee ku sii jeeda xeebta bada cas waa meel aad u dhir badan cagaar ah buuro yar yar leh iyo biyo badan oo dur dur ah.
Waxa layaab badan xasawyada ka dhisan burahas oo qofkii aragti dheer ama u fiirsi sare leh inuu wax badan ka dhex arkaayo , xasawuyadu waa 40 xassow waxa ka mid ah
1: Inafarow,  2: Bogox  3: Bidaar : 4 Nirgalaaye , iyo qaarkalo badan  waxay dhamantood ka samaysanyihiin dhagax la yiraahdo (granite)  oo midab xamuurad ah leh oo ay kaga duwanyihiin dhulka ay ku yaalin.

Marka la isbar bardhigo xasawyadas iyo Ahraamta masaarida waxad moodaysa in faraciintu ay ka qadatay naqshada ama qaabdhismeedka xasawyada.

Tixraac: dhiganaha: habka sooyaalkii taarikheed ee soomaliya .
Qoraa: dr mohamed ibraahim awale ( charles).

Aragti ahaan  waxbadan ayan shekooyin ku maqlay xasawyadan walow anan tegin balse dad badan aya siiyaabo kala duwan uga hadlay.
Hadii aad u fiirsato magaca XASAWYADA, waxa ka dhex fahmaysa in ay ahaayeen buuruhu meelo wax lagu xaseeysto ama wax la gashado ama lagu sheelo, ama lagu qarsada qofba siduu u yaqaan, xiliyadii horena dadki jiray waxay ahyeen dad aad u xoog badan caqli badan markay barwaaqo helaan oo xoola badan helaan waxay isku mashquulin jireen inay dhistaan hooy iyago buraha qorayey ama guryo buura la leeg dhisayey si ay xoolaha iyo wixi qaaliya ugu xaseeystaan, wana arin macquul ah in cilmiga ahraamta lagu dhisay in uu soomaaliya kaso bilaamay, balse maanta way yartahay in soomaaliya raadadka ahraamta lagu arko waxana keenaya doorsoonka cimilada oo sababay in Ahraamntii dumaan kadibna ciidi dusha kamarto aay buuro isu bedelaan, manta buuro badan oo kuyaal puntland in ay aslokodi ahraam ahayeen, waxayse u bahantahay u fiirsi iyo u dhabagal

Comments

Popular posts from this blog

Taalooyinka iyo godadka dhulka ku aasmay

SOOMALIDU MAXAY KA HUMAAGSAN KARTA TAGTADOODI HORE