Maxa soomaali ka hortagan inay horumar ku talaabsato
Maxa soomaali ka hortagan inay horumar ku talaabsato
Somalidu dhaqan ahaan waxay u badnayeen dad reer guura ah oo ay dal ama dhul u tahay mesha ay markaas baad ka helayaan , waxay ahayeen dad dhaqan iyo xeerar ay isku maamulaan laha oo wax kasta oo ka dhex dhaca xalin jirey iyadoon dadyow dibadeed loo raadin, waxay lahayeen garaad iyo aqoon ay awoowayaashood kasoo gareen oo ay ku maarayn jireen xaladaha laso gudboonada, hadii aad afka iyo tagtada somalida aad si qoto dheer u baarto waxa ka dhex helaysa cilmiyo luqadaha qalaad jamacadaha looga dhigto maanta , balse aynan ku bararugsanayn waxan oran karna awoowayasheen waxa ka dhex buuxay faylasuufyo aan tagtada lagu xusin .
Waa maxay waxyalaha kala hormariya bulshooyinka aduunka:
1: dhaqanka, luqada iyo degaanku maka mid noqon karaan kuwo horumar ama dib u dhac u keena bulshada?
2: khayraadka dhulka ku dugan iyo kuwa dul socda miya sabab u noqon karaan hurumarka?
3: cimilada iyo juqaarifi ahan meesha ay bulshadu ku nooshahay iyaduna sabab miyey u noqon karta hurumarka?
4: Hogaanka bulshada iyo habkay isu maamulaan sabab ma u noqon kartaa in ay bulsho horumar gaarto?
4: Nidaamka wax barashada samayn intee leeg ayuu kuleeyahay hurumarka bulsho?.
qodabadas aan kor ku sheegay iyo ku wa kaleba waxay maankaga ku soo dhacayaan markaad is waydiiso waxa hortaagan in ay umada soomaaliyeed hurumar ku taalaabsato.
dhaqan , luqad , degaan , khayraad, cimilo, intuba dadka kama hor istaagi karaan inay horumar ku talaabsadaan, taasna waxa cadayn inoo ku filan wadanka jaban oo an khayraad bafan lahayn (resource ) hadana maanta aduunka dhanka warshada hogaaminaya, mar la weydiiyey aqoon yahay u dhashay wadanka jaban sabata ay hurumarkaas aadka u balaaran ugu talaabsadeen iyagoon khayraad badan haysan, Waxa uu ku jawabay dadku si ay khayraad u helaan ayey riigag dhulka ku qodaan si ay shidaal macdan iyo biyo ula soo baxaan laakiin anagu maskaxda ayaan riig ku qodnaa oo horumarkaas ka dhalinaa,
marka bulshadu waxay horumar gaari karta markay maskaxda tuujiso oo dhanka wanaga iyo hurumarka u adeegsato.
Hadaynu soomali nahay maxaynu maanta mudo 30 sano ah horay ugu socon lanahay , xagee xalku kujiraa oo aynu ka raadina , bulshada calamka iyo qaramada midoobay miyeynu xal ka sugna, mise inaga tashana,
Waxan amin sananay in aan meel kale xal laga raadin ee aynu dib ugu noqono hab dhaqankeeni soo jireenka ahaa iyo xeerarkii wanagsana ay bulshadeenu lahayd , bulsha kasta waxay xalka ugu danbeeya oo ay isku afgarato ka hesha dhaqankeeda afkooda iyo sugaanteeda.
waxa dawladaha iyo wadamada aduunka kala hormariyey waa hogaanka , hogaanka wadanku waxa sababi kara hurumar ama dib u dhac, maanta soomaliye waxay u baahantahay hogaan.
* balse hogaan nooce ah ayeynu u baahanahay?
waxaynu u bahanahy hogaan dhibta maanta ina haysa u bedela fursad, dhaqala xumada jirta u bedela fursad, shaqa laanta jirta u bedela fursad.
wax kasta oo dhib ah ama caqabad ah waxa ku dhex jirta fursad laakiin waxa arki kara hogaan aragti dheer oo xilka u qabtay inu isbedel dhab ah oo lagi xasuuto ku talaabsada,
waxaynu u bahnay hogaamiye bulsho diyaariya , hogaamiye aragti fog leh qorshihisuna yahay sidii uu u diyaarin laha bulsho aqoon leh fahansan wadankooda lagu ababiyey wadaninimo loo sheegay lana tusay inay iyagu leeyihin wadank lagana qayb geliyey maamulida wadankooda lana tusay wadada ay horumar waara ay ku gaari karaan inta dunida la joogo.
Bulshada soomaaliyeed waxa la raba inay wixi horay u dhacay cashar ka qaatan in ay u diyaar garooban is bedel in qofkasta dawrkiisa u qaato sida uu wadankeena horumar u gaari laha:
1: ganacsaduhu waa in ganacsigiisa ku dara horumar bulsho ka qayb qata wax kasta oo wadanka wax tar u leh .
2: ardayga wax baranaya inu wax u barto siduu wadanka wax ugu soo kordhin laha.
3: dhalinyarada badaha iyo saxaraha isku qaadaysa in ay wadanka aminan oo tabarta iyo dhaqalaha kaga baxaya tahriibta ay wadanka geshaan.
Ugu danbayn bulshada soomaaliyeed waxay u bahanatay hogaamiye Abdo(rajo) ku abuura bulshada wadadi rajadana qaada si bulshadu wadanka u aminto hurumarkana ugu qayb qaadato.
W/Q: mustafe said farah
Comments
Post a Comment